Home Article

waligaa ma maqashay wabiyadda badda kahooseeya ?

Maanyo Team
Tani waa su’aasha ku soo noqnoqonaysa maskaxda dadka tan iyo markii la maqlay warka daahfurka wabiga badda hoosteeda’ oo bilaabay inuu meertooyin ku wareego meel kasta. Sida laga soo xigtay warkan, koox quusayaal ah ayaa helay wabi badda hoosteeda qulqulaya, oo ay ka buuxaan geedo iyo caleemo. Wabigaan badda hoosteeda mara ayaa laga helay Mexico, badda Mexico hoosteeda. Waxaa loo bixiyay magaca ‘Cenote Angelita’ laakiin waxaa in badan loogu yeeraa wabiga badda. Sida laga soo xigtay Anatoly Beloshchin iyo kooxdiisii quusayaasha ee iyagu ahaa kuwii ugu horreeyay ee soo ifbixiya dhacdadan, wabigan ku hoos jira biyaha waa webi dhammaystiran sida mid kasta oo caadiga ah. Waxuu hoos u qotonsamaa ilaa 115 fiid meelaha qaarkood, iyadoo qulqulka biyaha macaan iyo biyaha cusbada leh ee moolka kaladuwanyiin. Marka laga soo tago wabigan keli ah ee badda hoosteeda mara, dhacdooyin kale oo webiyo badda hoosteda ah ayay cilmi-baarayaasha dafaha adduunka jooga heleen. Kiis kale oo wabi ah oo badda hoosteeda mara ayaa waxaa laga helay gunta Black Sea. Wabigaan badda hoosteeda mara ayaa loo tixgeliyaa inuu sameeyo qulqul ku filan inuu noqodo wabiga lixaad ee ugu weyn adduunka marka la barbar dhigo dhiggooda dhulka. Waxaa la rumeysan yahay inuu leyahay qoton dheerersan 100-boqol fiid meelaha qaarkood, wabigan wuxuu ku socon karaa xawaare gaaraya afar mayl saacaddii iyo qiyaastii mug dhan 22,000 mitir cubic oo biyo ah oo maraya kanaalkan kaliya. Natiijooyinkaani waxay ka dhigeen saynisyahannada adduunka oo dhan inay kafagaraan suurtagalnimada jiritaanka wabiyaal badan oo ka hooseeya badda. Wixii hore loogu tixgeliyey inay yihiin mucjiso ama tusaale ahaan waxqabadka aan caadiga ahayn ayaa hadda leh sharraxaad cilmiyeed si hawshan loo caddeeyo. Tani waxay hal shay ka dhigaysaa mid hubaal ah, oo ah in wabiyada badda ka hooseeya inay jiri karaan l cilmi ahaan (scientifically). Sababaha ay ku sameesmeen wabiyada noocaas ah way kala duwanaan kartaa. Mararka qaar waxay ka soo kacdaa qaybta weyn ee badda hoosteeda, waxayna ku socotaa oo xambaartaa sediments badan, kuwaas oo waqti kadib isu badala wabi dhammaystiran sida jidhkiisa oo kale (sediments-ka ayaa usameeyo muqaalwabioo kale). Wabiga ku jira badda madow (black sea) ayaa la rumeysan in uu qaabkan u sameysmay. Iyagoo ka soo qulqulaya biyaha cusbada ee Badda Mediterranean-ka kuna sii jeeda Badda Madow soona maro biyo-mareenka Bosphorus, wabigan badda hoosteeda mara ayaa wuxuu qaadayaa marin u gaar ah kaas oo socon kara ilaa iyo 0.6 mayl balaca. Jajabka iyo dhagxanta yaryar ee uu wado socodkaani waxay ka dhigayaan sagxadda webiga mid u sameysan qaab gooni ah. gudaha Mexico, wabiga Cenote Angelita, saynisyahannadu waxay aaminsan yihiin Aragti gaar ah oo ku saabsan wabigan. Wabigaan badda hoosteeda mara ayaa la rumeysan yahay inuu dhab ahaantii yahay sariir ka kooban lakabka qaro weyn oo ah gaaska hydrogen sulfide kaas oo ay soo saarto bakteeriyada salka badda marka ay burburinayso haraaga isudhisyadda nool (organic chemicals). tani kadhigantahay inuusan ahayn wabi run ah madaama uu yahay lakab qara weyn oo hawo ur qurmuuna oo qalooca isla markaana leexiya waddadiisa sida wabiga oo kale. Si kastaba ha noqotee, dhalanteedka ay abuureysaa waa webi, xitaa webiga qarkiisa iyo caleenta. Tani waa mid ku filan in lagu yeero wabiga badda, siday u arakaan saynisyahanno badan. Tan iyo markii laga war helay wabiyadahan badda hoosteeda, saynisyahanadda adduunka oo dhan waxay raadinayeen tusaalooyin intaa ka sii badan. Kuwo badan baa la helay oo xitaa in ka sii badan ayaa la daahqaday. Si kastaba, tani waxay ka dhigeysaa hal shay mid cad – inbadan intaan jeclaan lahayn xagal-khuraafaadkeeda oo kale, webiyada badda ku jiraa waa mid kudhisan cilmiga sida atomyada iyo iskudhisyadda



Labels:

Comments

Post a Comment