Home Article

Sidee badduhu u sameysmeen ?

Maanyo Team

Si aan u fahanno badda, waxaan u baahannahay inaan fahanno sida ay u samaysantay Iyo is bedeladii ku dhacay tan iyo bilowgeedii. Madaama,  baddu yihin muqalka ugu weyn ee dhulka dushiisa, waxan rumaysanahay in asalka baddu ku xidhan yahay asal Dhulka. Asalka Dhulkana ku xidhan yahay kan qorraxda iyo Urur-xidigeedka. Samaynsanka Dhulka iyo baddu waa sheeko dheer oo cajiib ah. waxaa laga yaabaa inaad la yaabto markaad ogaato inta badan atamyada ay ka kasameysanyihiin Dhulka, badda, iyo dhaman waxa dushiisa saran inay yihiin burburka xiddigo balaayiin sano ka hor jiray. Xiddigaha ayaa noloshooda ku qaata u beddelida hydrogen iyo helium walxaha culus(heavy metals). Markay dhintaan, xiddigaha qaarkood waxay ku tuuraan elements kan hawadda inta lagu jiro cataclysmic explosions. Qorraxda iyo meerayaasha, oo ay ku jiraan Dhulka, ayaa ka yimid daruuro boodh iyo gaas ah oo ka abuurmay haraaga xiddigo qarxay. siday ahaataba, Baddeenu si toos ah ugama imaan daruurahaas. Inta badan baddu waxay samaysmeen goor dambe, markuu uumiga biyaha ee ku xayirnaa Lakabyada hoose ee Dhulka ay u baxsadeen hawadda kadib qaraxyadda folkaano oo meeraha kadhacay. Uumiga ayaa qabobay oo soo da'ay oo sameeyay bad. Comets-ka ayaa sidoo kale laga yaabaa inay biyo dheeri ah keeneen dusha meerahaas cusbaa. wax yar ka dibna Nolosha ayaa ka bilaabatay badda, Ayadoo ku kobacday baddihii curdunkahaa ku dhawaad 3 bilyan oo sano ka hor intaanay u guurin barigga (dhulka) oo markaa qalafsanaa.



Labels:

Comments

Post a Comment