Saynisku waxa uu muujiyey in kawnkanu uu ku jiro socod joogto ah. Dhulka oo meere ahaan uga tirsan kawnkan, waxa uu sameeyaa laba nooc oo dhaqdhaqaaq ah oo lagu magacaabo wareegga iyo meeraysiga.
Waxyaalaha dhaliya maalinta iyo habeenka
ilaa bilawgi dunidan, qorraxdu waxa ay u muuqatay in ay ka soo baxdo bari ayna u dhacdo galbeed. Muddada u dhexaysa qorrax soo baxa iyo qorrax dhaca ayaa la yiraahdaa maalin, Muddada u dhexaysa qorrax dhaca lyo qorrax soo baxa ayaa la yiraahdaa habeen.
Waa maxay Wareegga dhulka ?
Socodka dhulka ee udub dhexaadkiisa ayaa la yiraahdaa wareegga dhulka Dhulku hal wareeg oo dhan ayaa uu ugu sameeyaa galbeed ilaa bari 24 saacadoodba mar (lidka saacadda). Wareeggani waa ka sababa maalinta iyo habeenka.
Waa maxay Meeraysiga dhulka ?
Socodka dhulka ee uu ku wareeggo qorraxda ayaa la yiraahdaa Meeraysiga dhulka. Dhulku marinka uu ku wareego ayaa la yiraahdaa marinka dhulka. Meeraysiga dhammi (dhameystatiran) waxa uu qaataa 365 maaalmood. Saamaynta meeraysiga dhulka. Janjeer u socodka dhulka iyo ku wareegistiisa qorraxda ayaa sababa xilliyada sannadka. ilayska qorraxda ee dhulka korkiisa ayaa beddela xaaladaha heerkulka, oo markiisa keena isbeddelada xilliyada. Sida gu', jilaal, xagaa iyo deyr.
Labels: Sayniska

Post a Comment