Home Article

Majeceshahay cilmiga badda? wax ka ogow cilmigan xiisaha xanbaarsan.

Maanyo Team

waa maxay marine science (cilmiga badda) ?

Cilmiga badda,( oceanography/marine science/oceanology ), waa gorfeyn cilmiyeed oo lagu sameeyo badda iyo nolosha badda. Waa maado ay soo hoos galaan faracyo bayoolaji, jiyooloji, kimistari, juqraafi, iyo fiisikis. Oceanography waa kalmado kayimid Giriiggii hore oo kala ah "ὠκεανός (okeanós)" oo ah “bad” iyo "γράφω (graphy)" oo u ataagan “qoral", cilmigu baddu waa qayb muhiima oo kamidda cilmiga dhulka/meeraha (earth science). taas oo faalaysa arimo badan, sida dhaqdhaqaaqyada habdhiska deegaanka/Gayiga (ecosystem dynamics); qulqulka badaha (ocean currents), mowjadaha (waves), qulquladda hoorka ee dhulka iyo dushiisa (geophysical fluid dynamics), gilgilashadda waaxaha dhulka (plate tectonics) iyo qaabdhismeedka dhul baddeedka (sagxada badda), walxaha kiimikeed ee kala duwan iyo sifo duleedka badda iyo soohdimihiisa. markaad barato cilimiga badda, waxaad heli doontaa faham buuxa oo ku saabsan hawlaha iyo doorka deegaanka badda (oceanic/marine ecosystems). Waxaad sahamin doontaa dhinac kasta oo nolosha badaha ah, laga bilaabo naasleyda waaweyn ee badda ilaa phytoplanktonka aadka u yar-yar. Waxaad sidoo kale baari doontaa khataraha badduhu wajahayan maanta, waxaad qiimeyn doona dadaallada caalamigaa ee badbabadinta iyo ilaalinta badda. waa suurtogal inaad cilmiga badda ka barato buugaagta, lakin maahan wax beddel u noqonkara khibrad itusoo itaabsiiya. Mawduucyadaas kala duwan waa  taqasusyadda ay aqoonyahannada baddu ooga faa'ideystaan si ay aqoon dheerad ah uga sii dhuuxaan dunida-badweynta. cilmiga darsa taariikhda badaha ee xilligii hore, waxaa la yiraahdda Paleoceanography. qofka daraaseeya arrimo badan oo khuseeya badaha sida juquraafiga, fiisikiska, kimistariga iyo bayoolojiga badda ayaa la yiraahdda bad-yaqaan (Oceanographer). 

meeqo qaybood ayaa lagu takhasusaa ? 

Cilmiga badda (oceanography) waa geedi socodka lagu daahqadayo xaqiiqaha sugan ee xogta laga helay badda, qaab-dhismeedyada nololeed ee kajira, iyo dhulalka kuxeeran. Inta badan dhammaan saynisyahanada badda ayaa ku takhasusa hal qeyb oo cilmi baaris ah(taqasus ah), laakiin sidoo kale waxay bahwadaag layihiin taqasusyada la xiriira. 

  • Dhul-yaqanadda badda (marine geologists) waxay diiradda saaraan abuurka dhulka sida qaab-dhismeedka Dhulka hoose, dhaqdhaqaaqa oogadda, astaamaha Ciida ee salka (sakxadda) badda, iyo taariikhda badda, dhulka, iyo cimilada. Qaar ka mid ah shaqadooda ayaa taabanaya qeyba kale oo Saynis oo Muhiim ah, sida saadaalinta dhulgariiryadda iyo filiqsanka kheyraadka wax ku oolkaa. 
  • bad-yaqaanadda duleed (physical oceanographer ) waxay bartaan oo darsaan dhaq-dhaqaaqa mawjadaha, qulquladda, iyo is-dhexgalka badweynta-iyo-gibilka dhulka (atmosphere).
  • Bad-yaqaanadda kimikeed (chemical oceanographer ) ayaa iyana barta walxaha kimikeed ee ku milmay badda ee adkayashaa ama gaasaska ah iyo si guud ahaan xiriirka walxahaasi laleeyihiin dhulka iyo noloshadda badda. 

  • Khabiirada jawiga (climate specialists ) waxay baaraan doorka badweynta ee isbedelka cimilada dhulka. Waana kuwa ugu horeeya ee hadda laga dhageysto Saadaalinta ku adan isbeddellada cimilada ee muddada-dheer (long-term climate change) Madaama gibilka dhulku uu diqow ba'an wajahayo. 

  • Xeeldheerayaasha nolosha badda (marine biologists ) ayaa ka shaqeeya dabeecadda (deegaanka) iyo filiqsanka (distribution) noolaha badda, saameynta washakhoobidda gibilka iyo badda ay ku leedahay noolaha, daahqaadista dawooyin cudurrada la dagaallama oo laga keeno noolaha badda, iyo wax soo saarka kalluumaysiga. 

  • Muhandisiinta badda ( marine engineers ) waxay kashaqeeyaan oo dhisaan goobaha saliidda ee badda, maraakiibta, dekadaha, iyo dhismayaasha kale ee noo suurta geliya inaan u adeegsano badda si wanaagsan.

Labels:

Comments

Post a Comment