Seerayasha qaranka soomaaliyeed (Somali national parks)
- Buurta Daallo waa seero qaran oo ku yaal waqooyiga gobolka Sanaag ee Soomaaliya. Waa qayb kamidda buuraha Oogo.
- Dhul daaqsimeedka geed gaabka ah ee hobyo, seerahan waa saxare geedgaab leh oo qalalan. Wuxuu leeyahay xeeb bacaad, ballaciisu yahay 10 ilaa 15 km, oo ku teedsan xeebta badda cadmeed, laga soo bilaabo waqooyiga Hobyo ilaa koonfurta Muqdisho.
- Seeraha Qaranka ee Kismaayo waa seere qaran oo ku taal magaalada Kismaayo ee gobalka jubadda hoose, loona yaqaano habaar Waalid. dawladii hore waxay ka dhistay harooyin yaryar si looga hortago in nooluhu halkaas ka huleelaan xilliyadda abaarta. Sida lagu malo weyn yahay, dhamaan dugaagta ku noolaa seerahan sida haramcadka iyo noolaha kale sida maroodiyaasha waligood kama haajirin madaama aanay sanadkoo dhan marna biyo waayi jirin. marka kaliya ee ay hayaameena intooda badani waa xilligii dalku dagaalka sokeeye galay.
- Seeraha Qaranka ee Lag Badana (Bushbush) waa mid kamidda seerayasha qaranka Soomaaliyeed. Waxay ku taal xeebta koonfureed ee fog. Lag Badana waxay ahayd seerihii ugu horeyay ee laga hirgaliyo dalka. Intii lagu jiray qeybihii danbe ee 1980-meeyadii, Aagga Lag Badana waxa uu ka kooban yahay in ka badan 200 sinji oo geed kellyoodka ah (vascular plant) waxayna hoy u tahay xayawaan naadir ah sida kudaha yar. Dhirtana, ku dhawaad 20 ayaan meelaha kale laga helin.

Post a Comment